Halkan hoose waxana idinkugu soo gudbineynaa jawaab culus oo ka timid fanaanada dhawaan soo caan baxdey ee Nasteexo Indho kuna socotey Abdo Good oo ah daadihiyaha barnaamijka Isir Raaca Afsoomaaliga ee Somali Channel ka baxa, kaasoo dhawaanahan dood iyo isqabqabsi badan uu ka taagnaa, kadib markii Abdi Good uu heeso badan macnahooda siyaabo kala duwan u liiday una bah dilay, isagoo xitaa abwaaniin geeriyootay ku aflagaadeeyay heeso ay sameeyeen waqti hore, taasoo dhalisay in abwaano, fanaaniin iyo bulshada kaloo badanba ka xumaadaan barnaamijka iyo daadihiyiisa Abdi Good.
Hadaba Fanaanad Nasteexo Indho oo ka mid aheyd dhibanayaasha uu Abdi Good heesahooda eedeeyay ayaa haatan u jawaabtey Abdi Good, ayadoo difaacdey heesteeda HADAADAN TUMEYN, ayadoo weliba sheegtay micnaha iyo sirta ka danbeysa heesta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com