Waxaa Faah faahino dheeraad ah ka soo baxayaan Duulaan saakay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ku qaadeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada is garabsanaya ayaa dagaal Xoogan kula wareegay Deegaano dhoor ah ay kamid tahay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka aan ka heleyno Deegaanka Buulo Mareer ayaa sheegaya in xiligan xaalada deegaankaasi uu yahay mid dagan ayna si buuxda ula wareegeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
Wali lama heli karo faah faahino badan oo kasoo baxaya dagaalka culus ee socda Deegaanka Buulo Mareer, waxaana dagaalka saakay aroor hore qarxay ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray oon tiradooa si rasmi ah loo heyn.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in hada ay kusugan yihiin Deegaanka Buulo Mareer ayna saacadaha soo aadan si buuxda Al-Shabaab uga saarayaan Gobolka Sh/Hoose.
Al-Shabaab dhankooda wali wax war ah oo ku saabsan dagaalka Culus ee saakay ka qarxay Gobolka Shabeelaha Hoose kama soo bixin , waxaana hada barakac uu ka jiraa deegaano katirsan Gobolka Sh/Hoose ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com