Deg Deg ah Dagaalka oo sii xoogeystay iyo Axmed Daaci oo ka hadlay Dagaalka lagu soo qaaday.

Friday, August 15, 20140 comments

Warar dheeraad ah oo aan Dagaalka ka heleyno, ayaa sheegaya in Dagaalka uu aad u xoogeystay, islamarkaana ay Xaafada Madiino gaar ahaan Suuqa-weyn ay kusii qulqulayaan Ciidamo dheeri ah oo isugu jira AMISOM iyo Nabadsugida.

Dagaalka ay Ciidamada Nabadsugida iyo AMISOM ay qaaden ayaa waxaa qeyb ka ah Ciidamada Xildhibaan Cumar Finish, C/qaadir Cosoble, C/llahi Sheekh Xassan oo iyaguna ay saameysay Risaasta, islamarkaana qorshaha Dagaalka lagu qaaday ay qeyb ka ahaayeen.

Dadka Deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Dagaalka uu aad u weyn yahay islamarkaana ay Ciidamada AMISOM Hoobiyayaasha ku ridayaan goobaha shacabka, waxaana jiro Khasaaro nafeed kor usii dhaafaya 15.

Axmed Daaci oo ka hadlay Dagaalka lagu soo qaaday ayaa waxa uu sheegay in Dagaalka uu yahay mid Argagixiso, waxa uuna Tilmaamay inay iska cabin doonaan ilaa ay ka guuleystaan.

Axmed Daaci waxa uu sheegay in AMISOM ay weerarka qeyb ka tahay, waxa uuna cadeeyay inuusan gacmaha u laaban doonin weerarka lagu soo qaaday.

Dhanka kale, wararku waxa ay sheegayaa in inta badan uu axmed daaci helaayo gurmad kaga imaanaya dhanka Gudoomiyayaashii hore.

Lasoco wixii faah-faahin ah wararkeena dambe












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog