Warar hada kusoo dhacay Warqabadka Shabakadaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu xiligan ka kacay dab aad u xoogan.
Madaafiicda Culus oo ku dhacday Suuqa Deegaanka Buulo Mareer iyo xaafado kamid ah Deegaankaasi ayaa sababay in uu dab xoogan ka kaco sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal kusugan Qeybo kamid ah Deegaankaasi.
Goobaha hada gubanaya waxaa kamid ah Hotelka ugu weyn ee kuyaala Deegaankaasi iyo 5-meel oo kale oo katirsan Deegaanka Buulo Mareer, waxaana lasoo tabinayaa in dabka uu kusii faafayo goobo hor leh.
Dagaal Xoog leh ayaa xiligan kasocda Deegaanka Buulo Mareer waxaana aad u adag in la xakameeyo oo la damiyo dabka xoogan ee ka kacay qeybo kamid ah Deegaanka Buulo Mareer oo goordhaw Ciidamada Huwanta ah gudaha u galeen.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com