Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed ayaa shalay kaga qeybgalay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan seddex geesood ah oo looga hadlayay maareynta deeqaha maaliyadeed ee dowladda Japan ugu deeqday Soomaaliya.
Kulankani oo ahaa mid ay ka soo qeybgaleen hey’adaha Qaramada Midoobey iyo dowladda Japan , ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ahaa Xoghayayaasha joogtada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Mudane Abdullahi Dool Mohamed, Qorsheynta Qaranka Mudane Abdi C. Dirshe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda , waxaana lagu falan-qeeyay qaabka loo maamulay deeqihii hore ee maaliyadeed ee dowladda Japan ay ugu deeqday Soomaaliya iyo qaabka cusub ee loo maareyn doono deeqaha kale .
Mudane Abdullahi Dool , ayaa kaga mahadceliyay dowladda Japan taageerada lixaadka leh ee ay la garab joogto dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoo ka sheekeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Japan.
Shirkani lagu qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu qeyb ka yahay xoojinta iyo u saldhiggidda xisaab hufan oo lagu qanci karo oo lagu maareeyo deeqaha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com