Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhcaday xarunta GOS, iyadoo lagu sagootinayay Ciyaartoyda Xulka Qaranka kubadda Gacanta oo Wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaa oo ka qaybgalaya ciyaaraha Africa Challange Cub oo dalka Ethioia ka dhacaya ,
Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo sboortiga Cismaan Maxamed Cabdi Gudoomiyaha GOS Cabdulaahi Axmed Tarabi Madax a amuuraha gobolada ee GOS Ibraahian Roombe iyo Madaxda Xiriirka Kubada gacanta ,
Xoghayaha XKG Nuur Maye Cismaan ayaa ugu horayn ka war bixiyay diyaar garowga ay ciyaartoyda ku jireen lixdii bil ee la soo dhaafay waxuuna sheegay in xiligan uu yahay xiligii ugu fiicnaa marka loo fiiriyo mudada ay diyaar garowga ku jireen iyaartoyda oo aysan helin fursad tababar oo kanoo kale ah .
Gudoomiyaha XKG Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow ayaa ciyartoyda kula dardaarmay iney ku sifoobaan ciyaartoy aqlaaq leh Maadaama ay u socdaan dal daris la ah Soomaaliya, Gudoomiye Eenoow ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay wiilal iyo gabdho uga qayb galayaan iyadoo dalal Soomaliya ka dhaqaalo wanaagsan aysan taa haysan waxuuna ku celceliyay in ay ka soo dhalaalaan tababarkii ay qaateen kala dambayna ay layimaadaan inta uu tartanka socdo.
Gudoomiyaha GOS Cabdulaahi Axmed Tarabi oo Xaflada ka hadlay ayaa u sheegay ciyaartooyda in ay difaacaan sumcadda iyo sharafka Soomaliyeed, isagoo dhanka kale u mahad celiyay xiriirka kubadda gacanta oo uu sheegay in ay u dhabar adeeygeen matelaada ciyaaraha dalka dibadiisa ka dhacaya,
Gudoomiye Tarabi ayaa tilmaamay in tuutaha qaranka oo xidiga ku taal ciyaaryahankii qaata uu yahay safiir lagana doonayo bandhig wanaagsan iyo aqlaaq suuban waxuna u rajeey in ay guul u soo hoyaan umadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ku Xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ay ciyaartoy oomaaliyeed oo calanka Soomaaliya matalaya oo wasaaradooda u yimid oo aan dheera gelin karin ay tahay arin wasarada dhibaysa , Wasiirka ayaa intaa kudaray in ay doorka wasaarda la soo bixi doonto waxuuna ciyaartoyda u rajeeyay in
ay guulaystaan.
Xulka qaranka kubada gacanta ayaa ka qayb Geli doona Ciyaaraha Africa Challange Cub oo dalka Ethiopia ka dhacaya waxaana Soomaaliya ku wehlin doona, Djabouti, Sudan iyo Ethiopia.
W/D Xuseen M Hadaafow
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com