Hay’adaha amaanka Dowlada oo lagula xisaabtamayo Weerarkii ay ku qaadeen Guriga Xildhibaan C/Wali Qanyare

Tuesday, August 12, 20140 comments

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado waxa ay ku tilmaameen weerar habeen hore Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ku qaadeen guriga uu Muqdisho ka dagnaa Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare.

Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fal waxuushinimo ah waxa uu ku tilmaamay Weerarkii Hay’adaha amaanka Qaranka ku qaadeen Guriga Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare .

Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in lagula xisaabtamayo Hay’adaha amaanka falka ay ku weerareen guriga uu dagnaa Xildhibaanka katirsan Baarlamaanka , waxa uuna intaa raaciyay in isla xisaabtan xitaa uu jirayo hadii uu xiran yahay Kalfadhiga Baarlamaanka.

“ Hay’adaha amaanka waan kula xisaabtameynaa falkii foosha xumaa ee ku weerareen Guriga Xildhibaan C/Wali ,Waxaa la dhibaateeyay Xasaanaddii xildhibaankaasi lahaa lana sumcad dilay ” Ayuu Yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa wax fool xun oo sharci daro ah ku tilmaamay Weerarkii Ciidamada Nabad Sugida ku qaadeen Guriga uu Muqdisho ka dagnaa Xildhibaan Cabdi Wali Qanyare.

Xildhibaankan ayaa sheegay in Xadgudubka fosha xun ee geesteen laamaha amaanka Dowlada Somaaliya aan looga hari doonin uuna jiri doono la xisaabtan dhab ah oo ku aadan Weerarka gardarada ah ee lagu qaaday Guriga Xildhibaan Qanyare.

Hadalka Xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xili Habeen hore Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ay weerar qorsheesan ku qaadeen guri uu agagaarka Garoonka Aadan Cadde ka dagnaa Xildhibaan Cabdi Wali Maxamed Qanyare Afrax.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog