Wiil dhallinyarro oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka cabanaya dhibaato ku haysa Qoortiisa oo aad u dheer.
Wiilkaasi oo lagu magacaabo Fu Wengui oo 15-jir ah ayaa la filayaa in lagu sameeyo qaliin si wax looga qabto Qoortiisa dheer oo uu sannooyinka badan la dhibaataysnaa.
Hay’ad Samafal oo ku taalla caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing ayaa sheegtay inay bixinayaan Kharajka Qaliinka, iyadoo ay Dhakhaatiirta sheegeen in Wiilka lagu samaynayo qaliin lagu hagaajinayo lafaha Luqunta.
DhakhaatIirta Isbitaalka Chaoyang ayaa iminka daraasaad ku samaynayo qaabkii qaliinka ee Wiilkaasi, loogana soo saari lahaa lafaha dheeriga ee Luqntiisa isku haya.
Caadi ahaan qofka Aadanaha waxa uu leeyahay 7 xubnood oo lafta isku xira dhabarka iyo luqunta, balse uu wiilkan leeyahay 10-lafood.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com