Ninkii Fududeeyay Weerarkii Villa Somalia Oo La Toogan Doono (DAAWO SAWRADA).

Friday, August 1, 20140 comments

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay xukuntay Rag Al-Shabaab ah oo uu ku jiro ninkii fududeeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Madaxtooyada dalka.

Waxaa maxkamada la horgeeyay saddexda ruux oo lagu kala magacaabo Xasan Maxamed Xasan oo ahaa Ninkii Al-Shabaab u fududeeyay weerarkii Madaxtooyada lagu qaaday, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo lagu eedeeyay inay dhawaan Degmada Wadajir ku dileen shaqsi ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada laguna magacaabi jiray Maxamed-deeq Cabdi Aadan.

Xasan Maxamed Xasan oo ah ninkii fududeeyay Weerarkii Madaxtooyada Soomaaliya lagu galay ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, halka Aadan Maxamed Xasan oo la sheegay inuu maxkamada ka hor qirtay dilal badan inuu geystay isna lagu xukumay dil toogasho ah.

Waxaa sidoo kale maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuntay Bashiir Xasan Maxamed oo isna lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilkii loo geystay shaqsigii ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada ee Degmada Wadajir lagu dilay, waxaana maxkamada ay ku xukuntay Bashiir Xasan Maxamed xabsi daa’in sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Maxkamada ciidamada Cabdullaahi Maxamed Muuse “Keyse”.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog