Dalka Sierra Leone oo ka mid ah wadamada uu cudurka Ebola ka jiro ayaa aad looga cunaa hilibka Daanyeerka, waxaana bulshada lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan cunistiisa iyo dhaqashada daanyeerka oo laga qaado cudurkani.
Cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afric, ayaa ilaa iyo haatan waxaa u dhintay dad kor u dhaafaya 900 qof, sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.
Cudurkan halista badan ayaa qofka uu ku dhaco 60% ka badbaadin, waana tan keentay in qeyladiisa badato sidii looga hortegi lahaa faafintiisa.
Sababaha uu ku dhasho cudurkan ku dhasho ayaa ugu horeyso bani’aadamku oo la xiriiro xayawaanaadka qaar, hilibkoodana cuna sida Daanyeerka oo aad looga deyriyay, Kibiliga, Geri-nuugtada iyo Jimbansiiga.
Somalia waxaa ku sugan ciidamo ka socda Sierra Leone, kuwaasi oo naftooda macaansada hilibka Daanyeerka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com