Video: Hees lagu duubay meel aan marnaba laga maleysanaynin

Wednesday, August 6, 20140 comments

Alaaba, heesaha waxaa sida caadiga ah, lagu duubaa fagaaraha qaranka (national theatre), studioyada muusikada, Saldhigyada, Idaacadaha (Radio Stations) iyo naadiyadaha musikada (Music clubs).

Has yeeshee, waxaa toddobaadkii hore barta Youtubeka la soo dhigay hees aad iyo aad looga dabadhacay, taasoo lagu dhuubay meel aan marnaba ka filanaynin in muusik lagu tumo.

Waxaa intaa ka sii daran in heesayaashu aysan ahaynin fannaaniin, balse waa dumar iyo rag ka tirsan shaqaalaha isbitaalka Sint Fransiscus Gasthuis ee waqooyiga magaalada Rotterdam ee ku taalo koofurta dalka Holland, siiba qaybta gargaarka degdegga ah (First Aid).

Videoga heeskaan waxaa soo wada saaray Mishaela Hassels oo ah Weriye documentaryada samayso iyo Laura Esmeijer, waxaana tifrifay Laura Esmeijer. Videoga waxaa kaaga muuqan doono erayo afka Hollandees ah sida Arts (Doctor), Beademing, (Repiration) Neefsi, Zuurstof (Oxigyne), Rolstoel Kursiga jiisaska, Nacht dienst (Night Service).

Heeskaan waxaa lagu magacaabaa farxad {Happy} waxaana loogu magac daray farxadda qolka gargaarka degdegga ah  (Happy  Emergency Room). Runtii, farxadda bukaannada waxay qayb lixaad ka qaadanaysaa soo kabashada faafimaadkooda, isla markaana koruqaadaysaa firfircoonida shaqaala adeegga caafimaad u fidinaay.

Sida aan ka wada warqabno, isbitaal walbo wuxuu leedahay qaybta gargaarka degdegga, waaana halka ay yimaadaan ama loola soo cararo dadka ay shilalka ku dhacaan ama uu ku soo boodo xanuun kedis ah, looguna fidiyo gargaarka ugu horeeyo oo ay helaan.

Waa fikrad wacan in shaqaalaha caafimaadka mararka qaar maaweello loo sameeyo si loo farxadgeliyo bacdamaa ay la kulmaan xaalado naxdin leh.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog