Akhriso Warbixin: Tirada ku dhimatay Weerarkii Drones-ka ee G/Sh/Hoose oo la shaaciyay

Wednesday, September 3, 20140 comments

Admiral John Kirby oo ah Afhayeenka Wasaaradda difaaca ee Mareykanka oo la hadlaayay Wakaaladda Wararka AP ayaa mar kale daboolka ka qaaday in Weerarkii ay Diyaarada mareykanka ka fulisay G/Sh/Hoose ay ku beegsadeen Laba gaari oo midi uu la socday Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Waxa uu Tilmaamay in Ujeedka laga damacsanaa Duqeynta ay aheyd in la beegsado Goob ay ku shiri lahaayen, balse weerarka uu dhacay iyagoo kusii jeeday Magaalada Baraawe.

Waxa uu sheegay in Duqeynta ay ku waxyeelooben Al-Shabaab isugu jiray Ajaanib iyo Soomaaliya, islamarkaana ay weerarkaasi ku dileen tiro ka mid ah horjoogayaasha.

Afhayeenku waxa uu Xusay in weli aysan fari ka qodneyn baaritaanada ay ku xaqiijinayaan Inta weerarka ku dhimatay iyo Magacyadooda.

Wakaaladda Wararka AP oo sidoo kale xiganeysa Sargaal ka tirsanaa Alshabaab, ayaa waxa uu xaqiijiyay in wararkaasi xagga cirka ah lagu dilay Lix ka mid ah horjoogayaasha oo isugu jiray Ajaanib iyo kuwa Soomaali ah, waxaana la rumeysanyahay in bartilmaameedka uu ahaa horjooga Shabaab ugu sareeya ee Axmed Godane, oo qeyb ka ahaa horjoogayaashii shirka lagu duqeeyay.

Lixda Sargaal ee la dilay ayaa waxaan weli la shaacin Magacyadooda, waxaana laga dhowr sugayaa Baaritaano si qoto dheer ay u sameyneyso Wasaarada Difaaca Mareykanka.

Dhanka kale, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Alshabaab ay kasii baxayaan Deegaanada hoostaga Degmada Baraawe waxa uuna Tilmaamay inay gaari doonaan meel waliba oo ay ku dhuuntaan Kooxda sida uu hadalka u dhigay














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog