Nin lagu magacaabo Mike Haines lana dhashay David Haines oo maalmo yar ka hor kooxda Daacish ku qaleen gudaha dalka Ciraaq ayaa markii ugu horeeysay waxa uu wareeysi siiyay Warbaahinta Caalamka kaas oo difaacay guud ahaan Islaamka kuna sheegay kooxda (IS) inaysan wax Diin ah shuqul ku leheen.
Ninkaan oo Murugo ka muuqatay wajigiisa wuxuu ku adkeeystay in falkii walaalkiis Madaxa looga jaray aysan eheen fal Diimeed balse uu ahaa kaliyah Fal ay ku kacday koox Argagixiso ah oo ku qaraabaneysa magaca mid ka mid ah Diimaha Dunida ugu caansan .
David Haines oo kooxda Daacish Midi madaxa kaga jartay wuxuu ahaa shaqsi aan siyaasad shuqul ku leheen oo ka shaqeeya xeryaha Qaxootiga ama barakacayaasha dalalka Ciraaq iyo Syria. Dhanka kale dagaalka looga soo horjeedo kooxda Daacish (IS) ayaa waxaa si toos ah ugu soo biiray inta badan wadamada awooda leh ee Carabta kuwaas oo ka qeeyb galay shir lagu qabtay magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska kaas oo loogu gol leeyahay sidii dagaal saf balaaran ah loogu qaadi lahaa Maleeshiyaadka Daacish oo magaca Diinta Islaamka ku dhibaateenaya dadyoowga Caalamka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com