Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u xaqiijisay Geerida Hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godan iyagooan durba Xarakada ay ku dhawaaqday Hogaamiye cusub oo badal u noqon doona Hogaamiyiii laga dilay.
Hadaba wax ka ogow Taariikh Nololeedka Hogaamiyaha Cusub oo kooban
Hogaamiyahan cusub ee Alshabab Ahmed Omar Abucubeyd waxa uu kudhashay magaalada Qalaafe oo katirsan gobolada maamulka soomaalida ee bariga ethipia sanadkii 1970, waxaa kusoo barbaaray kuna soo qaatay waqtigiisa qeyb kamid ah isla magaalada uu kudhashay ee qalaafe.
Bilowgii 1990 ayaa la sheegay inuu soo aaday magaalada xeebeedka kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose halkaa oo uu ka noqday macalin bara dadka Qur’aanka kariimka ah,oo dadka kismaayo ay aad uyaqaaneey.
Isagoo macalin dadka quraanka bara ah ayaa la sheegay Abuu cubeyda inuu ku biiray jabhadii Raaskambooni ee gobolada Jubooyinka ku xooganaa xiligaas oo uu ka noqday xubin muhiim ah iyo macalin aad dhalinyarii Raaskambooni ay ujecelyihiin.
Soo ifbixii maxkamadihii islaamiga ahaa ee madaxa soo qaaday sanadkii 2006 ayuu qeyb kasoo noqday hogaamiyihan cusub ee Al-shabaab Ahmed cumar,isagoo dadka yaqaana ay ku tilmaamaan inuu yahay nin ay isku dhaqanyihiin hogaamiyihii Al-shabab ahmed godane,madama uusan jecleen inuu dhaxgalo xubnaha ay ururka iskula jiraan,uusana jecleen in muuqaalo laga qaado.
Kadib burburkii maxkamadihii islaamiga ahaa iyo dilkii Aden Xaahi Ceyrow ,waxa uu ku xirtay Abu Cubeyda oo saaxiib dhow la noqday hogaamiyihii alshabab Ahmed Abdi Godane ,kaa oo u noqday lataliyihiisa qaaska ah marka ay timaado in kooxdu go’aano adag ay qaadato,waxaana uu yahay ninka koowaad ee uu aadka u aaminsaaa Ahmed Godane wallow ay jireen rag kale oo uu godane saaxiib dhow la’ahaa sida Ahmed Abdul Qadir (isku dhuuq) oo duqeyn mareykanku uu ku dilay sanadkan horaantiisii bishii January.
Hogaamiyaha Cusub ee Al-Sahbaab Ahmed Cumar Abu Cubeyda ayaa xilal muhiim ah Al-shabaab kasoo qabtay oo ay kamid yihiin,inuu soo qabtay jakada gudoomiyaha gobolada Bay iyo Bakool .
Waxaa ninkan markii Dambe Hogaamiyihii la dilay ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu ka dhigtay taliyaha qaaska ah ee ka amar qaata ciidamada isaga sida tooska ah u oos yimaada.
Hadaba dadka falanqeeya arimaha xarakooyinka qaaradan Africa ayaa leh hogaamiye Ahmed Omar Abuu Cubeyda waxaa hor taala arin aad u cakiran oo ay kamidyihiin in uu xaliyo mugdiga ku dhax jira hugaanka sare ee Al-shabaab .
Xigasho KNN
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com