Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa xiray labo kamid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala Magaalada Muqdisho kadib markii ay baahiyeen Codka Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere.
Ciidamo hubeesan oo katirsan Hay'ada Nabad Sugida ayaa xalay gudaha u galay Idaacada Simba oo kamid ah Idaacadaha Madaxa banaan , waxa ayna Ciidamada halkaasi ka xireen Wariyaal Idaacada kusugna, iyagoo sidoo kale qaatay qaar kamid ah agabkii Idaacada ku howl galeysay.
Waxaa sidoo kale Saakay Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir ay amreen in hawada laga Saaro Idaacada Kulmiye oo kamid ah Idaacadaha ugu afka dheer Muqdisho , waxaana maamulka Idaacadaasi looga yeeray in ay tagaan xarunta Taliska Nabad Sugida si su'aalo loo weediiyo.
Labadan Idaacadood ee hawada laga asaaray ayaa loo heestaa in ay baahiyeen Codka Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo xalay ka hadlayay geerida Hogaamiyaha Al-Shabaab iyo Magacaabista Hogaamiyaha cusub.
Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa dhawaan amray in Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho aysan baahin karin codadka iyo Wararka la xariira Xarakada Al-Shabaab , amarkaa oo Warbaainta ku tilmaameen mid culees badan oo xadgudub ku ah xuriyada Saxaafada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com