Fanaanka magaca baxay ee Cawaale Aadan Daheeye (Cawaale Casri), ayaa waxa uu wareysi gaar ah uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Wareysigaan oo uu qaaday Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa hobolka da’da yar weydiiyay su’aalo dhinacyo kala duwan taabanaaya.
Cawaale Aadan, ayaa wareysigaan ku sheegay in uu fanka ku soo biiray isagoo aanu 20 sano gaarin, isla-markaana uu magac yeeshay markii uu da’da 20-ka ah uu ku jiray, sida uu yiri.
Hobolka oo iminka sheegay in uu 28 sano jir yahay, ayaa sheegay in uu qaddarin badan ka helay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada.
Hobolka Cawaale Casri, oo ku nool dalka Canada, ayaa la tilmaamaa in uu casriyeeyay fanka. Isagoona u muuqda mid heysta taageerada inta badan bulshada afka Somaliga ku hadasha.
Fanaanka Somaliyeed ee reer Jabuuti, ayaa waxay heesaha uu ku luqeeyo ay sii caga cageynayaan ilaa 70 heesood, sida uu u sheegay BBC-da.
Dadka badankiis, ayaa rumeysan in uu Cawaale Aadan Daheeye yahay hobolka ku luqeeya afka Soomaaliga, ee ugu wanaagsan fanaaniinta Soomaalida, 10-kii sano ee la soo dhaafay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com