Ciidamada Dowlada Ciraaq oo taageero Milatari ka helayay Kooxaha Kurdiga iyo Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa usurto gashay in dagaal kula wareegaan Biyo Xireenka Xadiitha oo gacanta ugu jira kooxda Daacish.
Biyo Xireenka Xadiitha ayaa muhiim u ah awooda tamarta ee dalka Ciraaq iyo korontada magaalooyinka waaweyn ee Dalkaasi, waxa uuna biyo Xireenkan gacanta daacish ka baxay ku yaalaa duleedka magaalada Mosul .
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo gacan siinaya Ciidamada Dowlada Ciraaq iyo Kooxaha Kurdiyiinta ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geestay Biyo Xireenka Xadiitha ay horey gacanta ugu hayeen Kooxda Daacish.
Dowlada Mareykanka ayaa duqeynta ay ka geesatay biyo mareenka Xadiitha waxa ay ku sheegtay in ay uga gon lahaayeen in ay kaga hortagaan in Kooxda Daacish biyo xireenkaasi ay qarxiyaan ama ay biyaha ku furaan si fatahaad ay uga dhacdo magaalooyinka u dhaw biyo xireenkaasi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com