Dhega Badan "Godanayaasha Waa Ay Badan Yihiin Ee Yaan Barkin Loo Dhigan"

Tuesday, September 9, 20140 comments

General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega Badan), Abaan Duulihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxa uu si weyn u soo dhaweeyay qorshaha lagu qaarajiyay Amiirkii Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), balse isu magacaabay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Abaan Duulaha waxa uu sheegay in kol hore loo baahnaa in Ummada Somaliyeed la dhaafiyo Godane, balse wuxuu sheegay in dilkiisa xilligaan ku soo aaday, uu bilow u yahay burburka Ururka Al Shabaab.

Waxa uu soo hadalqaaday haddii la dilay Godane inaanu sidaasi ku hari doonin, oo waxaa jira sida uu sheegay Godanayaal badan, isagoona ka digay in lees dhigto.

"Godanayaasha waa ay badan yihiin ee yaan barkin loo dhigan, sidaa kuma hari doonaan Godanayaasha, wax kasta oo dhibaato ah ayay geysan karaan, ee hala feejignaado." ayuu yiri General Dhega Badan.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu guubaabiyay Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, guulaha ay ka gaarayaan Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean).

Dowladda Somaliya, ayaa waxay xilligaan feejignaan ka qabtaa weeraro abaabulan oo kaga yimaada Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab, iyagoo markaasi ugu aargudaaya dilkii Amiirkooda.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog