Sawirro: Isbitaalka Digfeer oo la casriyeeyay & M/weynaha..

Tuesday, September 16, 20140 comments

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer ku sameeyay Isbitaalka Digfeer oo dhawaan ay Dowladda Turkiga Dayactir casi ah ku sameysay, waxaana booqashada Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirada arrimaha gudaha iyo caafimaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wareegay qeybaha uu Isbitaalka  ka kooban yahay sida saalada qaliinka, loogu talo galay,  xarunta gargaarka deg dega, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka ah, iyo qeyba kale oo muhiim ah.

Xiligii uu Madaxweynaha booqanayay isbitaalka ayaa waxaa ku sugnaa dhaqaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u dhashay Turkiga, kuwaasi oo warbixin ka siiyay, iyadoo uu kulan kula qaatay xarunta maamulka isbitaalka.

Agaasimaha isbibitaalka Dr.Ugar Jonkoglu oo u dhashay Turkiga ayaa Madaxweynaha ugu warbixiyay howlaha caafimaad ee ay wadaan iyo mustaqbalka qorshahooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheeay in Isbitaalka dhawaan xariga laga jari doono isagoo u sheegay dhaqaatiirta Soomaliyeed inay ka faa’iideystaan aqoonta ay dhaqaatiirta Turkiga dalka ku soo kordhiyeen si ay bulshadooda wax ugu taraan.

Isbitaalka Digfeer ayaa markii Turkiga dib u dhis iyo dayactir uu ku sameeyay waxaa uu noqday kan ugu casrisan Afrika.



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog