Daawo Xasan Aadan Samatar: Illaahey ima dilin, cimri ayuu i siiyay: Video

Wednesday, September 17, 20140 comments

Fannaanka caanka ah ee Soomaliyeed Xasan Aadan Samatar, ayaa si kulul u beeniyay wararka aan laga fiirsan oo lagu sheegay in uu maanta ku geeriyooday dalka Holland, kuwaasoo ay qoreen Website-yada kasoo baxa Somaliland qaarkood.

Fannaanka waxa uu ummada Soomaaliyeed uu u sheegay in uu weli nool yahay, isla-markaana uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, wax xanuun ahna haba yaraatee aanu qabin.

Waxa uu eedeymo kulul u jeediyay Warbaahinta Somalida qaarkeed oo maanta tebisay, in hobolkii weynaa ee Xasan Aadan Samatar, uu xanuun ugu geeriyooday Magaalada Amsterdam.

Sidoo kale waxa uu Warbaahinta kula taliyay inay ka fiirsato wararka xaqiiqda ka fog, ee ay gaarsiinayaan shacabka Somaliyeed, si wararkooda loogu kalsoonaado.

Barraha ay bulshadu ku wada xiriirto, ayaa si aad ah loogu arkaayay iyadoo ay dadku tacsi ugu dirayaan qoyska iyo ehelada Xasan Aadan Samatar.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog