Nin Tuug ah oo ku dul hurday Sariir taalay guri uu Xatooyo ka geesanayay (Daawo Sawirada)

Wednesday, September 17, 20140 comments

Nin Burcad ah oo u dhashay Dalka Mareykanka ayaa ku fashilmay fal xatooyo ah uu geesanayay kadib markii uu ku dul hurday saacado badan sariir taalay guriga uu dhaca ka geesanayay.

Dion Davis oo ah Nin Burcad ah ayaa la xiray kadib markii Ciidamada booliiska ugu soo galeen guri uu xatooyo ka geesanayay sariir taala isaga oo dul hurda , waxa uuna tuugan bac kasoo buuxsaday dahab iyo alaabo kale uu gurigaasi ka xaday.

Ninkan Burcadka ah ayaa la sheegay markii uu soo aruursaday dahab iyo alaabo kale uu doonayay in uu xado in dul hurday Sariir gurigaasi taalay , waxaana isaga oo hurdaya qolka ugu soo gashay haweeneydii gurigaasi laheed oo si feejignaan leh sawir uga qaaday ninka tuuga ah isaga oon fahmin isna sii hurdaya.

Haweeneydan oo qof caqli badan aheed ayaan ka nixin ninka tuuga ah waxa ayna sawirka ay ka qaaday soo dhigtay baraha ay Bulshadu kuwada xariiraan ,iyadoo dhacdada qabsatay cinwaan uga dhigtay ‘Bal ka waran adoo shaqo ku jira haddaad seexato.” .

Ciidamada booliiska ayaa ninkan isaga oo hurda ayna agtaalo bac ay ka buuxaan dahab iyo alabao kale uu doonayay in uu xado ugu soo galay qolkii uu jiifay kadibna xiray , waxaana ninkan tuuga ah lagu helay dambi ah in uu galay guri aanu lahayn,xatooyana geestay , waxaana sii dayntiisa lagu xiray $10,000 doollar oo dammaanad ah.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog