Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay eedeymo ay mudooyinkii ugu dambaysay u soo jeedineysay haweeney Soomaaliyeed oo ku eedeysay inuu si xoog ah uu ku heysta dhul iyo guri ay laheyd iyadu islamarkaana uu diiday inuu ku wareejiyo hantideeda.
Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa waxaa uu wa kama jiraan ku tilmaamay eedeeymo ay mudooyinkii dambe u soo gudbineysay haweeney lagu magacaabo Ifraax Cabdiraxmaan Sheekh Cabdulaahi Warsame oo sheegtay inuu Jeneraal Gaafoow uu si xoog ah uga heysto guri ay ku leedahay magaalda Muqdisho, Haweeneydaan oo isticmaalaysa warbaahinta ayaa waxay u soo jeedisay Taliyaha waaxda socdaalka inuu gurigeeda uu si xoog ah uu ku dhistey islamarkana uu diiday inuu ku wareejiyo gurigeeda oo ay sheegtay inuu ninkeeda oo ahaa nin u dhashay dalkaas Talyaaniga uu u iibiyey dhulkaas oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, Laakiin Jeneraal Gaafoow ayaa arintaas waxaa uu ku tilmaamay wax kama jiraan asagoona sheegay inuu dhulkaas uu si sharci ah uu ku degan yahay islamarkaana uu ka iibsaday dadkii iska lahaa asagoo walibana goobta marqaati ahaan u keenay ninkii ama dulaalkii dhulkaas ka iibiyey oo asagana goobtaas ka cadeeyey cida iska lahayd milkiyada dhulkaas ee uu sida sharciga ah uga gaday dhulkaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo wali muranka dhulkaas uu taagan yahay ayaa taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo wax walba oo uu sharciga dalka u yaalo uu ku go'aamiyo arinta dhulka muranka kala dhexeeya ee haweeneydaas Soomaaliyeed, Ifraax Cabdiraxmaan Sheekh Cabdulaahi Warsame oo iyadu ku doodeysa inay iyadu leedahay dhulkaas oo ay weheliyaan ninkiii qabay ee Talyaaniga ahaa iyo waliba caruurteeda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxay direyayeen baaqyo iyo codsiyo is daba joog ah oo ay u soo jeedineyeen madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kaas oo ay kaga dacwoonayeen taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud oo ay ku shegeen inuu si xoog ah kaga heysto hantidooda, Muranka ka jiro dhulalka la isku heysta ayaa waxay yihiin mushaakilada ugu badan ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho iyadoona ay adag tahay in si dhib yar xal looga gaaro arintaas.
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com