Maamulka degmada Kaaraan ayaa xabsiga dhigay 20 qof oo diiday inay fuliyaan amar kasoo baxay maamulka degmada oo dhigayay in qoys walba gurigiisa hortiisa xero nalal si wadooyinka u ifiyaan.
20 qof oo isugu jiray milkiilayaal iyo dad guryaha ku degan ijaar ayaa xabsiga laga sii daayay markii danbe, iyadoo markii danbe ay ogolaadeen in ay guryahooda hortooda ku xeraan nalalka.
Laakiin waxaa jira qoysas aan awoodin in ay bixiyaan qarashka korontada, oo ah mid aysan awoodin bixintiisa, walow dadkaasi qaarkood ay ku calaacaleen inaysan bixin karin lacagta shirkadda korontada ka dooneyso.muqdisho-nalalGuddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Degmadda Kaaraan, Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in dadkaasi looga digay inaysan mar kale ka dhega adeegin awaamiirta Maamulka bixiyey.
Wuxuu sheegay in nalalka qeyb ballaaran ka yihiin sugidda ammaanka iyo inay dadka ku dhiiradaan inay xilliga ay doonaan maraan waddooyinka, oo horey mugdiu ahaan jirey.
G/xigeenka waxa uu carrabka ku adkeeyey in gurigii lagu helay iyadoo uu dansan yahay nalalka ifiya waddooyinka in la ganaaxi doono lacag dhan 500,000 ilaa 1,000,000 oo Shillin Somali ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com