Qabiil dega dalka Brazil gaar ahaan agagaarka wabiga Amazon ayaa waxa ay in badan caawimaad ka sugayeen dowlada Dalkaasi si ay uga hor tagto qola caadeysatay in ay deegaanka xaalufiso, waxa ayna ugu danbeyn go’aansadeen in ay iyagu deegaanka difaacdaan iyaga oo weerar gaadma ahna ku qaaday qolyihii qowleysatada ahaa ee xaalufinta waday.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Weerarkii ay deegaankooda ku difaacayeen ayaa qabiilka oo loo yaqaanno Ka’apor waxaa u suuragashay in ay qabtaan 10-naan kamid ah qolyihii xaalufinta weday kuwaas oo ay dharkii qaarkood ka dhigeen, xireen kadibna ay garaaceen si ay xanuun badan u arkaan mar danbana aysan ugu dhiiran in ay ku dhaqaaqaan falalka xaalufinta ah.
Hogaamiyaha beesha Ka’apor oo la hadlay sawir qaade u shaqeeya wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in xilliya badan ay dowlada ka codsadeen in laga qabto qolyaha ay karaahsadeen, hasa yeeshee sanado badan kadib dowladu wax jawaab ah bixi diiday sidaa darteedna ay go’aansadeen in ay xoogooda ku tashadaan ayna ciqaabaan qowleysatada.
Deegaanka ay ku noolyihiin qabiilkaani ayaa waxa uu yahay dhul keemeydka ugu weyn dunida waxaana mara wabiga ugu weyn caalamka ee lagu magacaanbo Amazon kaas oo mara 40% dhulka Koofurta Ameerika.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com