Ragii kufsaday kadibna Dilay Nasro Maxamed Qamaam, oo gacanta lagu dhigay iyaga oo xirnaa Dareeska Dumarka

Thursday, September 27, 20120 comments


Wararka naga soo gaarayao Magaalada Port Elezapeth Gobolka Estaren Cape ee Dalka South Africa ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Magaaladaasi gacanta ku dhigeen rag lagu tuhmayo in ay qeyb ka haayeen Dilkii iyo kufsigii dhawaanaloo geestay gabar Soomaaliyeed.


Ciidamada Booliiska ayaa mudo kudaba joogay ragan waxa ayna ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen qaarkood iyaga oo xirnaa Dareeska Dumarka qaataan gaar ahaan Dareeska ay xirtaan Haweenka Soomaaliyeed sida Wararka aan ku heleyno.



Ragan Naxariista ka guurtay ayaa xili Habeen ah waxa ay guriga ugu dhaceen Allaha u naxariistee Nasro Maxamed Qamaam oo laheed uurkii ugu horeeyay oo 8-bilood iyo Bar ah halkaana ku kufsaday kadibna ceejo ku dilay sida ay kuwarameen ehelada Gabadhaasi.



Ragan lagu helay Falkan ayaa Maxkmaad lasoo taagi doonaa iyagoona muteesan doono dambigaan hadii uu kusoo baxo ciqaab adag oo xarig Sanado badan ah.



Soomaalida kunool Dalka S/Afrika ayaa aad uga wada carooday Falkii naxariis darada ahaa ee gabadhaasi loo geestay waxa ayna wadaan dacwad ka dhan ah ragii dhibkaasi geestay iyo sidii loo marsiin lahaa Ciqaab adag.










Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog