Duqa Magaalo ku taala Mareynkanka oo meel ugu dhacay Soomaalida ku Nool Mareynkanka

Friday, October 5, 20120 comments

Duqa Magaalada Louistone ee Gobolka Maine ee Dalka Mareykanka Robert McDonald ayaa meel uga dhacay Soomaalida ku Nool Magaalada, kadib markii uu ku wargeliyay in Dhaqankooda meel iska soo dhigaan marka ay imaanayaan Dalka Mareynkanka.

Marka aad timaadaan Soomaalidiina Dalka Mareynkanka aad dooneysaan in aad Noqotaan Muwaadiniin.waa in marka hore aad iska Tuurtaan Dhaqankiina Soomaaliyeed aad qaadan taan Dhaqanka dhulka aad joogtaan oo Mareynkan ah ayuu yiri Robert McDonaldo.

Cabashao badan oo ka soo yeertay Soomaalida Mareynkanka ku sugan ayaa hadana Markale waxa uu sheegay in uusan hadalkaan kala jeedin Xumeyn ee uu kala jeedo in Soomaalida uu fahansiiyo inaysan Soomaali iyo Mareynkan isku Dhaqan ahayn.sida markale uu yiri Duqa Magaalada Louistone ee Gobolka Maine.

Soomaalida ku Dhaqan Gobolka Maine ee Waqooyi Bari Mareykanka ayaa Cabasho xoogan sameeyay, iyagoo Dibadbax isugu yimid ku cambaareeyay hadalka Duqa Magaalada Louistone.
-->

Jaamac Aadan Maxamed oo u qaabilsan Dhalinyarada ku Nool Gobolkaas dhanka Isgaarsiinta oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay kicisay hadalkii uu Diinta iyo Dhaqanka Soomaalida ku fara gashhtay, isla markaas ay qaateen Go’aan ah inay isugu soo baxaan, kana Mudaaharaadaan.

Waxaa uu sheegay in markii hore ay wada hadal la fariisteen dhowr Cisho, kana dalbadeen inuu Raali gelin ka bixiyo, hase ahaatee uu ka biya diiday.

Soomaalida ku Nool Gobolka Maine ayaa lagu qiyaasay ilaa 10-kun oo Ruux, kuwaasoo tagay Tobanaan Sano ka hor, waxay ku leeyihiin Gobolkaas Ganacsiyo kala duwan oo la mid ah Suuqyada ku yaal Muqdisho, laguna Iibiyo Agabyo kala duwan.













-->

Canab Xasan
Xafiiska Newbanaadir
New York - America
canabxasan09@hotmail.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog