Sadexda masuul ee ugu sareysa dowlada Somalia oo kala ah madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamanka, Maxamed Cismaan Jawaari iyo raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa saaka dadweyne boqolaal gaaraya salaadii ciidul adxaa kula tukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Tukashadan salaada ciida ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada qaar ka mid ah xubnihii golaha wasiirada ee xiligoodu dhamaaday iyo masuuliyin kale ayaa waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka masaajidka Isbaheysiga.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa la xiray, lagana joojiyey gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu gooyey gaadiid dagaal oo ay hareeraha ka joogeen ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada Somalia.
-->
Sidoo kale, ciidamada nabad sugida ayaa dhowr meelood oo masaajidka isbaheysiga banaankiisa ah si adag ugu baarayey dadweynaha ku qulqulayey gudaha masaajidka,, waxaana sidoo kale hareeraha masaajidka ilaalo adag ka hayey ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo salaadii Ciidul Adxaa ka dib la hadlay dadweynaha masaajidka uu kula tukaday ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyey munaasabada ciida isagoo ugu baaqay iney is cafiyaan, isuna naxariistaan, isla markaana taageeraan dowlada si dhibaatada dalka looga baxo.
Munaasabada Ciidul adxaa ee sanadkan ayaa ku soo aaday isbedel siyaasadeed uu ka dhacay, dalka, ka dib markii uu meesha ka baxay xiligii KMG ahaa ee dalka uu ku xoo jiray 7dii sano ee la soo dhaafay, dhinaca kalena dalka loo doortay madax cusub oo hogaaminaya dowlad rasmi ah oo dalka ka hirgashay markii ugu horeysay 22 sano ka dib.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com