Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyed ahna siyaasi aad u da’yar ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ka dib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Odayaal, Waxgarad, Culum’udiin iyo dhalinyaro ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa ka soo qayb galay munaasabadaan Maxamed Axmed Cali uu kaga dhawaaqay musharaxaan inuu yahay mid ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.
Musharaxa cusub Maxamed Axmed Cali ayaa sheegay in loo baahan yahay in xiligaan la doorto qaf da yar, maskax nadiif ah leh oo wax ka qaban kara xaalada uu marayo dalka Soomaaliya iyo marxalada adag ee ay ku noolyihiin ummada Soomaaliyeed.
Maxamed Axmed Cali ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin cadaalad isla markaana cadaalada ay deeqdo dadka oo dhan.
Musharaxa ayaa wuxuu ugu baaqay Baarlamanka la soo xulay in madaxweynaha ay dooranayaan ay ka fiirsadaan qofka ay u dooranayaana in uu yahay qof qaban kara xilkaan shacabka Soomaaliyeedna ka saari kara dhibaatada.
Maxamed Axmed Cali ayaa wuxuu ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay doorashadii lagu qabtay wadanka Jabuuti sanadii 2009-kii markaas oo la doortay madaxweynaha haatan xilka haaya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana haatan sidoo kale markale uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya isagoo qeyb ka ah musharaxiin sii caga cageynaya kontomeeyo oo doorashada soo socota ku dhawaaya iney ka qeyb galayaan, waxaana sii kordhaya musharaxiinta ku dhawaaqaya iney u taagan yihiin xilka madaxweynaha dalka.