Daawo Muuqaa ahaan Calanka Soomaaliya oo Caawa ka dhex muuqday Tartanka Olombikada Aduunka ee furmay Magaalada London

Sunday, August 5, 20120 comments

Caawa oo Jimce ah taariikhduna ay ku beegantahay 27-Jully-2012 waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada London ee xarunta dalka Britain tartanka Olombikada Aduunka ayadoo dadka Soomaaliyeedna sanadkaan ay si gaar ah isha ugu hayaan, xiisana ugu leedahay.

Halkaan ka Daawo Calanka Somaliya oo ka Dhaxmuuqda Tartanka Olombikada Aduunka

Calammada dalalka aduunka ee ka qeybgalaya tartankan Olombikada ayaa si aad ah uga dhexmuuqda magaalada London ayadoo calammadaasina uu ka mid yahay Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna maadaama ay orodyahanno Soomaaliya metelaya tartankaasi ka qeybgalayaan.

Sidoo kale orodyahan Samsam Maxamed Faarax ayaa Siday Calanka Soomaaliya Waxaana Mar Qura Wariyaha Daadihinayya Barnaamijka oo Qaylo Dhaan ku sheegay Magaca Dalka Somaliaya Waxaana arkaysaa In Soomaaliya Sanadkaan ay Ka dhax Muuqatay In ka badan Bolalaa Dal oo Aduunka ah Waana Taariikh u soo Hoyatau Umadda Soomaaliyeed .

Inkastoo labada orodyahan Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay tartanka Soomaaliya uga qeybgalayaan hadana dad badan oo Soomaaliyeed ayaa guul u arka in Calankeenna quruxda badan uu ka dhex muuqda dalalka sida joogtada ah tartankaasi uga qeybgeli jiray inaguna saameynta colaadaha darteed aan fagaarayaasha waaweyn ee caalamka uga maqneyn.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog