Tariikhda Somalia

Saturday, August 4, 20120 comments

Taariikhda Soomaaliya oo kooban Soomaaliya waa dal ku yaalo Geeska Afrika, wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Gacanka Cadmeed oo ka xigta [[Woqooyi]ga], Jabuuti oo ka xigta Woqooyi galbeed,Itoobiya oo ka xigta dhankaGalbeed,Kenya oo ka xigta dhanka Koonfureed iyo Badweynta Hindiya oo ka xigta dhanka Bari.Soomaaliya waxee ka midtahay wadamada ugu xeebta dheer caalamka, waa wadanka ugu xeebta dheer qaarada afrika, dhirirka xeebta soomaaliya waa 3333km. Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 10,000,000 oo qof. 60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo 5% oo ah dad Kaluumayato ah.

Magacaabida Magaca soomaaliya

khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga (Soo) macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga (Maal) uu macnihiisu ka soo jeedo Lis. Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Soo Maal Saca,rida,laxda,geelka). Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh. Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaale oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.Samaale ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale). Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Afrika.

Caasimadaha

Caasimadda dalkeena waa [muqdisho]], tan labaadna waa hargeysa, tan sadaxaadna waa kismaayo, tan afaraadna waa boosaaso.

Gobolada Soomaaliya

1- Awdal:- wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah
baki
boorame ,oo caasimada gobolka ah
lug hayo
zaylac

2- Banaadir oo magaalo madaxda muqdisho
waxay ka kooban tahay sidaan anigu u hayo 15 degmo waana kuwan
cabdi casiis
boondheere
xamar jajab
xamar weyne
hawl wadaag
heliwaa ama huri waa
hodan
kaaraan
shangaani
shibis
waaberi
wada jir
wardhiigley
yaaqshiid
dharkeynley
3- Bari oo isaguna wuxuu ka kooban yahay 11 degmo
boosaaso oo caasimada ah
caluula
badarbeyla
rako
ufayn
waaciya
qandala
qardho
xaafuun
isku shuban

4- Togdheer oo isaguna ka kooban afar degmo

burco waa caasimada
buuhoodle
shiikh
oodweyne

5- Sool wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo

laas caanood waa caasimada gobolka
caynabo
xudun
taleex

6- Galguduud wuxuu isna ka kooban yahay sideed degmo.

dhuusa mareeb oo caasimada gobolka ah
cadaado
alad
balanbale
ceelbuur
ceeldheeren
caabud waaq
gel hareeri

7- Hiiraan wuxuu isna ka kooban yahay shan

baladweyne waa caasimada gobolka
buula barde
jalalaqsi
masax
matabaan

8- Gedo wuxuu isna ka kooban yahay lix degmo

garbahaarey oo caasimada gobolka ah
baardheere
beledxaawo
doolow
ceelwaaq
luuq

9- Waqooyi Galbeed wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo

hargeysa oo caasimada gobolka ah
dacar budhuq
ber bera
gebilay

10- Mudug isaguna wuxuu ka kooban yahay shan degmo

gaalkacayo oo caasimada gobolka ah
galdogob
xara dheere
hobiyo
jiriiban

11- Shabeelada Dhexe wuxuu ka kooban yahay todobo degmo

jawhar oo caasimada gobolka ah
balcad
mahadaay
cadale
aadan yabaal
warshiikh
run rugood

12- Shabeelada hoose wuxuu ka kooban yahay todoba degmo

marka oo caasimada gobolka ah
afgooye
aw-dhiigle
baraawe
kuntiwaarey
qoryooley
sablaale

13- Bay wuxuu ka kooban yahay shan degmo

baydhabo waa caasimada gobolka
buurxakabo
diinsoor
qansaxdheere
bardaale

14- Bakool wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo

xudur waa caasimada gobolka
ceelbarde
rab dhure
tiyeglow
biyooley

15- Jubada dhexe wuxuu ka kooban yahay afar degmo

bu'aale oo caasimada ah
dujuma
jilib
saakow

16- Sanaag wuxuu ka kooban yahay afar degmo

ceerigaabo waa caasimada gobolka
ceel afweyn
laasqoray
badhan

17- Jubada hoose wuxuu ka kooban yahay shan degmo

kismaanyo oo caasimada ah
afmadow
badhaadhe
xagar
jamaame

18- Nugaal wuxuu ka kooban yahay afar degmo

garoowe waa caasimada gobolka
dangorayo
ayl
burtinle
Wabiyada

Dalka Soomaaliya waxaa maro labo wabi oo kala ah Wabiga Jubba iyo Wabiga Shabeelle, waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya, waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer, wuxuuna soo maraa magaalyooyinkaBeledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Afgooye iyo Jannaale. Wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow, Luuq, Baardheere, Bu'aale, Jilib, Mareerey,Kabsuuma iyo Jamaame. Wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km
waa wadan ku yaalla Geeska Afrikaoo deris la ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Sidii uu u bilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa.Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dowlad federaal kumeel gaar ah oo caalamka aqoonsaday haseyeeshee aan weli awood u helin in ay wada hanato maamulka dalka, waxayna ku koobantahay caasimada Muqdisho. Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda Soomaaliya waxay sababeen in caalamku u aqoonsadoWadan Fashilmay, wadanka aduunka ugu saboolsan iyo wadanka aduunka ugu halis badan.

Waqtigii gobonnimada

Dhulka soomaaliyeed waxaa la maamuli jiray waqti aad u duqsan.Waxyaabaha ku tusaayo neh waxaa ka mid ah, guryaha aadka u qadiimsan oo dhagaxa laga sameeyay iyo darbiyada qadiimka ah sida Darbiga wargaade, waana dhul ku tusaayo in oo lahan jiray far qoraal ah oo aad u duqsan.Soomaalida waxee taariikh dheer la lahaan jireen, masaaridii hore, waxaana jiro waxyaabo ku tusaayo in ee soomaalya tahay dhulkii udgoonada.

Qarnigii toban iyo sagaalaad

1875kii waxay ahayd markii ugu horaysay ee gumaystayaashii Ingriiska, Faransiiska, iyo Talyaaniga marka ay soo cago dhigeen gayiga Soomaaliyeed. Ingriiska oo maamulayey Cadan (Yamen), wuxuu go'aansaday in uu lug ku yeesho dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed(Berbera). Ingriisku wuxuu ku fakerayey in si uu u ilaashado maraakiibtiisa ka imanaysa India, ee maraysa badda cas ay lagama maarmaan tahay in uu hanto Berbera. Fransiisku wuxuu isna ku fekaray in halka ugu dhaw ee uu Ingriiska ka carqaladaynkaro uu yahay isaga oo Djibouti deegaan ku yeesha. Ingriiska markaas wuxuu ka waday Bariga Africa dhisitaan khad tareen oo isku xidha wadamada Bariga Africa. Talyaaniguna wuxuu markaas lawareegay gacan kuhanynta Koonfurta Soomaaliya oo aan markaas ahayn dhul leh ahmiyad lamid ah kan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya. Maadaama Ingriisku aanuu aad u danaynayn Koonfurta Soomaaliya. Talyaaniga waxay u noqotay tani fursad uu ku doodo in uu kamid yahay wadamada reer Europe ee wax gumaysta.1900. boqorkii Ethiopia Menelik wuxuu qabsaday dhulka Soomaali-galbeed, ama Ogaden.1941-1949kii Ingriisku wuxuu maamulayey gabi ahaanba Soomaaliya, maadaama ay xulafadiisii ku guulaysatay dagaalkii labaad (WWII). 1948kii xulafaddii dagaalkii labaad (WWII) ku guulaysatay waxay ugu deeqeen Itoobiya in ay hanato dhulka Soomaaligalbeed (Ogaden). 1949kii Qaramada Midoobaywaxay 10ka sano ee soosocota Soomaaliya hoos gaysay Xukuumadda Talyaaniga.SYL tan aad ayay uga soo horjeesatay xiligaas, waxayna muujisay sida dadka Soomaaliyeed diyaarka ugu yihiin in ay xoriyad helaan. 26 jun, 1960 Soomaalida Waqooyigu waxay ka xoroobeen Ingriiska. Isla sanadkaas 1st July, 1960kii Soomaalida Koonfurtu waxay ka heleen madaxbanaani Talyaaniga, Isla markaas neh dalka wuxuu ku midoobay jamhuuriyad
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya wuxuu noqday Aadan Cabdulle Cusmaan ra'iisul wasaarihiisa neh wuxuu noqdayCabdirashiid Cali Sharma'arke oo asiga neh noqonaayo madaxweyne 1967–1969).1961 soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horeeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960ki.1964]]kii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhexmaray dagaal gaaban. Isla wakhtigaas Itoobiya iyo Kiinya waxay wada saxiixdeen heshiis dhinaca milateriga ah oo Soomaaliya ka dhan ah. Xiligan Soomaaliya waxay u leexatay in ay kaalmo milatari ah waydiisato Soviet Union. Maraykankuna wuxuu isla xiligan kaalmo dhaqaale iyo mid milateriba siiyey Itoopiya.1967 Waxaa madaxweyne noqday Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ra'iisul wasaarihiisa ne wuxuu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal allaha u naxariistee.
 kan hada mdaxweynaha ka noqondoona oo wadanka dib udhis ku sameyn doona waa magaca halkaan ku xusaan waa wiil dhalin yaro ah Abdirizak Mahamad Salah madaxweynaha mustaqbalka dhaw insha allah allana ha u garabgalo

Xukunkii Millateriga

21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra'iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweynihii Qaranka Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 October,1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood. 1 January, 1973 xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii Soomaaliga laqoray. Bishii August, 1974 uguyaraan 20,000 macallin oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga. June, 1976 Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka. Xiligaas Xukuumadda Milaterigu waxay ku dhawaaqday in ragga iyo haweenku simanyihiin, waxayna abuurtay xoogag cusub oon horay loo aqoon Sida, "Guulwade." 1977-1978 waxaa socday dagaalkii Ogaden ee dhexmaray Soomaalida iyo Ethiopianka. April, 1978 koox katirsan ciidamaddii qalabka siday oo uu kamid ahaa hogaamiyayaashooda Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa isku dayey inqilaab dhicisoobay. December, 1979 Xukuumaddii Milaterigu waxay qabatay doorashooyin baarlamaan; Laakiin golihii baarlamaanku wuxuu kayimid haldhinac oo ahaa dhinaca Xukuumadda.February, 1982 Maj General Maxamed Siyad ( Madaxweyniha Soomaaliya) wuxuu booqday Washington. Xilligaas waxaa xabsiga laga siidaayey ra'iisalwasaare Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaase xabsiga lootaxaabay siyaasiyiin kale oo ay kujiraan qaar kamid ah golihii wasiirada. Siyaasiyiintan markan xabsiga lootaxaabay waxaa kujiray Dr. Maxamed Aden Sheikh, Maj. General Cumar Xaji Masalle ( oo labadaba ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha); Madaxweyne ku xigeenkii, Ismacil Cali Oboker, iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda, Cumar Carte Qaalib.

Dhalashadii dagaaladii lagaga horyimid rajiimkii

6 April, 1981 waxaa London lagu aas-aasay ururkii SSDF ee ay taageerayaasha u ahaayeen Qaar kamid ah Soomaalida waqooyi bari ee hadda loo yaqaan puntland. July, 1982 Ciidamada Milateriga Itoobiya oo ay caawinayaan Jabhaddii SSDF ayaa weerar kusoo qaaday bartamaha Soomaaliya.Itoobiya waxay danaynaysay in ay Soomaaliya laba u kala goyso. Balanballe iyo Goldogob waxay u gacangaleen Itoobiya. Waxaana xukuumaddu ku andocootay in magaalooyinkan lagu xasuuqay shacab badan oo Soomaali ah. Isla xilligaas mucaaradku waxay ku doodeen in shacab badan oo Soomaali ah ay xukuumaddu ku xasuuqday gobolka Mudug, gaar ahaan agagaarka Galkacyo. Xilligan wadamada Reer-galbeedku waxay kaalmo milateri iyo mid dhaqaalaba siiyeen Xukuumaddii Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre. 1984kii waxaa socdaal qarsoodi ah ku tagey Soomaaliya wasiirkii Arimaha Dibadda ee Koonfur Afrika, Roelof Botha. Wuxuu ballan qaaday kaalmo milateri haddii diyaaradaha Koonfurta Afrika ay kusoo degaan Soomaaliya. 1986kii Soomaaliya waxay wax ka aas-aastay urur goboleedka IGAD oo lagu aas aasay Djibouti. Xilligan Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre wuxuu kula kulmay Djibouti Mangistu Haile Mariam, madaxweynihii Itoobiya xukumayey. 23 May, 1986 madaxweyne Maxamed Siyad Barre wuxuu galay shil baabuur oo uu si xun ugu dhaawacmay. Madaxweynaha waxaa loo qaaday wadanka Sucuudiga oo lagu soo daaweeyey. November, 1986 Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa loo caleema saaray 7sano oo kale. 99% codayn dhan ayuu ku dooday in loogu codeeyay ereyga "HAA." Laakiin xilligaas waxaa dalka ka socday dagaallo sokeeye, dad badan oo Soomaali ahina waxay ka horjeedeen nidaamkii Xukuumaddii Milateriga. 1987kii hay'adda u dooda xuquuqda bini'aadamka ee Amnesty International, waxay ku eedaysay rajiimkii Maxamed Siyaad in uu ku xadgudbay xuquuqda bini aadamka. Tani waxay keentay in Congresska Maraykanka gooyo kaalmadii uu siinjiray Mr. Barre iyo xukuumaddiisii 27 May. 1988 ururkii SNM oo hogaaminayay Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo hadda ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu qabsaday caasimadda gobolkii Togdheer ee Burco. 31 May, 1988 isla ururkii SNM wuxuu qabsaday qaybo badan oo muhiim ah oo kuyiilay Hargaysa. Xukuumaddu waxay xiligan xoog milateri u adeegsatay, duqayn lixaadlehna u geysatay labadaas magaalo. Sidoo kale mucaaradku waxay iyana dhankooda dagaalka ku ballaariyeen goobihii rayidka. Dad Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa u qaxay Ethiopia. Kumaankun kalena waxay ku dhinteen dagaaladaas. 9 July, 1989 waxaa Muqdisho lagu toogtay Madixii kaniisada katholiga ee Muqdisho, Salvatore Colombo. Ilaa hadda lama helin ciddii dilkiisa ka danbeysay.Isla xilligan waxaa socday dagaallo sokeeye oo u dhaxeeyey xukuumadda iyo mucaaradka, gaar ahaan gobolada dhexe oo la rumaysanyahay in dad badan oo shacab ah ay ku geeriyoodeen. 14 July, 1989 ciidamadii koofiyad casta ayaa cagta marisay mudaharaad ay sameeyeen dad Soomaali ah oo kacaraysnaa xarig loogaystay Sheikh C/Rashid Sheikh Cali Sufi. Waxaa larumaysanyahay in dadbadani ku geeriyoodeen. 15 July, 1989 waxaa xeebta Jasiira lagu xasuuqay ilaa 47 qof oo Soomaalida waqooyi ah. Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid kamid ah waxyaabihii ugu xumaa ee laga xasuusto Xukuumaddii milateriga. tani waxay keentay in Xukuumadihii Reer galbeedku ay iska fogeeyaan Maj. Gen. Maxamed Siyaad iyo xukuumaddiisii. 6 July, 1990kii Waxaa isna dadbadini ku geeriyooday mashaqadii ka dhacday Stadium Muqdisho, garoonka kubadda cagta ee Muqdsiho. 13 July, 1990kii waxaa dil toogasho lagu xukumay 46 kamid ah dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeeday President Barre; kooxdan waxaa lagu magacaabay Manafesto Group. In badan oo iyaga kaimid ahina waxay gadaal ka noqdeen dagaal-oogayaal. 31 December, 1990 waxaa bilowday burburkii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya. isagoo hadba magac lagu tilmaamayo, gaar ahaan xilligii Faraaciinta iyo Romaankuba.

Siyaasiinta

Wixii ka danbeesay burburkii dowladii dhexe, Soomaaliya malaheyn dowlad awoodeedu gaarsiisan tahay dalka oo dhan. Maanta soomaaliya malahan xisbiyo u dhisan ka qayb galka siyaasada marka laga reebo goballada puntland iyo waqooyi galbeed Waxaa hada jira daalo ay wadaan aqoonyahano soomaaliyeed oo lagu doonayo in lasameeyo is badal siyaasadeed bulsho dhaqan dhaqaale iyo dowlad u shaqeesa shacabka soomaaliyeed. Kaasoo ay iska kaashanayaan Xukuumadda qeybaha bulshada iyo beesha caalamka oo dhan. Sidaasi darteed waxaa lasameynayaa Dastuur si looga baxo kumeelgaarka loona guuro dowlad rasmi ah oo ka hana qaada wadanka oo dhan soona celisa sharafkii iyo karaamadii uu lahaa qaranka soomaaliyeed. Soomaaliya hada waxay leedahay Dowlad federaal kumeelgaar ah oo ka kooban Madaxweyne Xukuumad & Baarlamaan. Waxaana hogaamiya Dowlada Kumeelgaarka ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Madaxweynaha soomaaliya iyo Raiisul wasaaraha soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali‎ oo la doortay 23 juun 2011.Dowladaan Kumeelgaarka ah waxee waqtigeda ku ekeed Agoosto 20 keeda 2011, laakiin hal sano ayaa loogu daray markii ee mas'uliyiinta dowlada KMG ee muran soo dhax galeen isla markaas neh xukumadii hore ee farmaajo xilka iska dhiibtay.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog