C/qaasim Salaad wuxuu waxbarashadiisii ku dhammeystay magaalada Muqdisho, ka dibna wuxuu jaamacad kaga baxay dalka Ruushka sanadkii 1967dii.
Intii ay xukunka heysay dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta maamulka Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu xilal badan ka soo qabtay hey'adaha kala ah:-
1. Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ahna Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu dambeeyay xukuumaddii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre.
2. Wasiirka Warfaafinta.
3. Wasiirka Madaxtooyada.
4. Wasiirka Howlaha Guud & Guryeynta.
Markii la riday dowladdii Allaha u naxariistee madaxweyne Max'ed Siyaad Barre wuxuu ku noolaa inta badan magaalada Muqdisho.
Bishii August 27keedii sanadkii 2000 shir lagu soo gebagabeeyay magaalada Carte ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dowladdii KMG ah ee Soomaaliya.
Intii ay dowladdiisu jirtay uma suurtagalin in maamulkiisa lagu baahiyo dalka oo dhan, markii ay dagaallo la gashay hoggaamiye kooxeedyadii ka jiray Muqdisho qaarkood.
C/qaasim wuxuuna xilka hayay 15kii bishii Oktoobar 2004tii xilligaas oo uu xilkaasi ku wareejiyay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaah Yuusuf Axmed.
xigasho:http://www.xildhibanpublications.com