Daawo Video-ga: haweenay kamidah Wariyayaasha ka hawlgala telefishinada Holland oo tijaabisey Jaadka kadib Marqaantay

Sunday, November 25, 20120 comments



Haweeney Hollendees ah ama Nederlaan ah kana mid ah weriyayaasha Telefishinka dalkaas Holland ayaa waxaa la sheegay inay tijaabisay ama ay cuntay muqaadaraadka qaadka ee ay dadka Soomaalida ah ay isticmaalaan taas oo keentay inay haweeneydaas ay si aad iyo aad ay u marqaanto ilaa ay kabaheediiba ay ilowday.

ka dib markii dhawaantaan uu soo bandhigay barnaamijka lagu magacaabo spuiten en slikken oo looga faaloodo waxyaabo ay ka mid yihiin daroogada, oo ayna soo saarto warbaahinta BNN ee Telefishanka dalkaas Holland warbixin ku saabsaneyd in qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaas Holland ay dadaal ugu jiraan in la joojiyo qaadka oo ay ku tilmaameen inuu yahay daroogo xun oo wax u dhimeyso qofka, ayaa haweeneyda lagu magacaabo Geraldina Kemper oo ka mid ah shaqaalaha barnaamijkaas waxay tijaabo ka qaaday jaadka ama qaadka bal si ay wax uga ogaato waxa uu yahay iyo sida uu u dhadhamaayo iyo waliba sida uu ku noqonaayo qofka marka uu cuno oo isticmaalo qaadka, taas oo ay haweeneydaas oo ay caawinaayaan dhalin yaro Soomaaliyeed ay u suuro gashay inay hesho qaadka islamarkaana ay si fiican ugu marqaanto marqaanto, laakiin inkastoo ay markii hore ay haweeneydaas ay ku adkaatay cunitaankiisa oo ayna ku tilmaantay wax xun oo wasaq oo kale ah ayna la yaabtay sida ay u cunaan waxaas dhalinyaradii ka caawinyeysay arintaas, ayaa ay markii dambe ay la qabsatay oo ayna si fiican xidigaha u gaartay ilaa ay markii ay baxaysay ay ilowday kabaheeda.

Ugu dambeyntiina iyadoo dalkaas Holland iyo Ingiriiska ay yihiin labada wadan ee sida sharciga ah looga helo Jaadka ayaa hadana inkastoo ay dad badan oo ka mid ah bulshada Soomaalida ee ku nool wadamadaas ay dadaal weyn u galeen joojintiisa ay taasi dhicin gaar ahaan dalka Holland oo ay dowladu sheegtay inaysan jirin wax qasaare weyn ah oo uu dhalin karo jaadka taas oo horseedi karto inay ka mamnuucdo dalka Holland laakiinse uu yahay wax uu qofku qabatami karo


Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal Ahaan 











Xasan Maxamed 
Xafiiska Newbanaadir 
Oslo - Norway 
xasanyare09@live.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog