Sid
ay soomaalidu hore ugu maahmaadsay “qof kasta qumanihiisaa qoorta ugu jira”
ayaa marna u fiican qofka si uu u ilaashado sharaftiisa marna dumisa xidhiidhka
uu la leeyahay dadka. Ta dambe ee ah inlaguu arko mid mar kasta isla toosan
ayaa dadka kaa fogaynaysa oo kaa dhigaysa mid aan la jeclayn.
Shabakada
sheknwows ayaa waxa ay soo daabacday 3 qalad oo had iyo jeer sababa in uu
yimaado furitaan., kuwaas oo kala ah – maxay?
1.
Waxa aad isu haysataa in aad wax walba ogtahay
Waxa
laga yaabaa in aad wax badan ogtahay, laakiin hadii aad markasta lamaanahaaga
aad hadalka ka dhex gasho adiga oo ku dhahaya waad qaldan tahay ayaa waxa ku
keenaysaa wareer. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay fikirkiisa xataa hadii uu
fikirkiisu ka duwan yahay kaaga, hana noqonin midka loogu yeedho ”
besserwissen” wax walba oge. Kala ogow faraqa u dhexeeya marka aad saxaysid qof
qaldan iyo marka aad had iyo jeer waxii sax iyo qalad ah ku salayso rayigaaga.
2.
Wada hadal la’aan
Waa
in aad la hadashaa ninkaaga hadii aad doonayso in xidhiidhka adiga iyo ninkaagu
uu si fiican u shaqeeyo. Hadii ay jiraan wax kaa xanaajinaya u sheeg sayigaaga
waxa ay yihiin, halka aad ka aamusayso, rajaynaysana in uu asagu fahmo waxa kaa
xanaajiyay. Hadii uu xanaaqsan yahay waydii waxa ka xanaajiyay. In uu qofku ka
hadlo dhibaatooyinka haysta ma fududa, laakiin hadii uu mid waliba ka hadlo
waxa dhibaya ayaa waxa dhexdiina ka dhalanaysa isu soo dhwaansho dheeraad ah.
Hadii lamaamayaashu ka wada hadlin qof walba waxa dhibaya, uu tabayo ama
caloosha ku haysto ayaa waxa ay sababaysaa in ay kala fogaadaan.
3.
Qof isaga uun iska fikira
Arintan
ayaa ah mid caadi ah, dadkuna inta badan ka hadlaan naftooda iyo waxa ay
rabaan, wayna adag tahay in uu qofku noqdo mid og in uu naftiisa oo kaliya ka
fikirayo. Hadii wada hadalka adiga iyo sayigaaga idinka dhexeeyaa uu markasta
ku saabsan yahay adiga ayaa waxa haboon in aad arintan wax ka bedesho.
Xidhiidhka ka dhexeeya lamaanaha ayaa waxa uu ku salanysan yahay sinaan, is
ixtiraam iyo laba dhinac oo ah wax isa siin. Markaa hadii wada hadalkiinu
markasta adiga ku saabsan yahay ayaa waxa haboon in aad wax ka dhinto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com