taariikhda madaxweeynaha soomaaliya shariif shiikh axmed Madaxweyne Sh Shariif waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe 25kii bishii july 1964tii, wuxuu waxbarashadiisii ku dhammeystay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, wuxuuna magaalooyinka Khartoum & Tripoli ee dalalka Sudan & Libya ku dhammeystay waxbarashadiisii dhinaca jaamacadaha , wuxuuna barre ka noqday dugsiyada dalka Soomaaliya, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka, wuxuuna si wanaagsan ugu hadlaa luqadaha Carabiga & afka Ingiriiska, wallow aan la arag isaga oo ku hadlaya afka Ingiriiska. Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud Sh. Muusse wuxuu dhinaca waxbarashada ka bilaabay dugisigii Sheikh Sufi institute ee gacan saarka la leh jaamacadda Al-Azar ee dalka Masar, ka dibna wuxuu galay jaamacadda Kordufan ee dalka Suudaan dabayaaqadii sanadkii 1992dii halkaas oo uu ka qaatay Bachelor Degree ee luqadda Carabiga & Juquraafiga jaamacad ku taal magaalada Aldalanj sanadkii 1994tii ee dalka Libya, jaamacaddaas oo hadda lagu magacaabo Dalanj. Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud wuxuu magaalada Tripoli ee dalka Libya isaga soo tagay ka dib markii uu dhammeystay waxbarashada dhinaca sharciga & shareecada Islaamka sanadkii 1998dii, wuxuuna yaraantiisii korka ka xafiday quraanka kariimka, maadama uu ka soo jeedo qoys dhinaca diinta aad looga tixgeliyo dalka Soomaaliya. Ka dib markii uu dalka ku soo laabtay Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu madax ka noqday maxkamad dhinaca shareecada Islaamka oo laga dhaqangeliyay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe ee maamulkii Max’ed Cumar Xabeeb. Sanadkii 2004tii Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud wuxuu noqday hoggaamiyihii maxkamadihii Islaamka ee magaalada Muqdisho, isaga oo saaxiibo aad ay isugu dhow yihiin la noqday Xassan Daahir Aweys & Aaden xaashi Ceyrow oo ay dowladda Mareykanka ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Qeada, isla markaana ka soo dagaallamay dalka Afghanistan sanadkii 2001dii. 9kii bishii Septembar sanadkii 200Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu magaalada Sirte ee dalka Libya ugu qeybgalay kulan lagu martiqaaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray C/llaahi Yuusuf Axmed & dalal kale oo ka tirsan dalalka Midowga Africa ee AU, wuxuu joogitaankooda shirkaas ku fasiray wareysiyo ay la yeesheen wakaaladaha wararka ee Reuters & BBC, sidoo kalena uu ku eedeeyay dalka Ethiopia in ay jirto cadaawad u dhaxeysa dalalka Soomaaliya & Ethiopia muddo ku siman 500 oo sanadood, wallow ay Ethiopia ay beenisay eedahaasi in ciidamadoodu ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya. 28kii bishii December sanadkii 2006, 6 bilood ka dib oo ay magaalada Muqdisho ka talinayeen xooggagii uu uu horkacayay Sh. Shariif Sh. Axmed dagaallo la galeen ciidamadii Ethiopia eek u sugnaa gudaha dalka Soomaaliya, taas oo keentay in laga awood roonaado, isla markaana uu u baxsado dalka Kenya. 21kii bishii January sanadkii 2007 ay ciidamada Ethiopia ku qabteen halka loo yaqaanno Hulugo ee xuduuddka dalka Kenya, wuxuuna magaalada Nairobi kula kulmay danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya dalkaasi Reinburger. 1dii bishii February wuxuu magaalada Nairobi uga ambabaxay magaalada Sana’ ee dalka Yemen, isaga oo ay la socdaan xubno la sheegay in ay ka tirsanaayeen golihii midowga maxaakiimta ee ICU. Shir ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eretria waxaa Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud loogu doortay in uu noqdo guddoomiyihii guddiga fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka qaraar la galay ciidamadii ka socday dalka Ethiopia. Khilaaf soo kala dhexgalay isbaheysigii dib u xoreynta, taas oo keentay in ay 2 u kala jabaan, ka dib markii ay wadahadallo la galeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ra’iisul wasaare Nuur Xassan Xussein, taasi oo keentay in ay heshiisyo dhexmaraan. 29kii bishii December sanadkii 2008 ka dib markii uu is casilay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed shir ka dhacay magaalada Djibouti loogu doortay in uu noqdo madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya, taariikhdu markii ay aheyd 31dii bishii January 2009, ka dib markii uu kaga guuleystay ninkii la tartamayay S/Guuto Maslax Max’ed Siyaad 293 cod. Ka dib guushii uu ku guuleystay doorashadaasi waxaa si rasmi ah loogu dhaariyay hotel Kempinski ee magaalada Djibouti ee dalka Jibouti
taariikhda madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Tuesday, July 31, 20120 comments