Haweenka iyo Raga is qaba ee ku dhaqana Gobolada Dhaxe ee Doonaya in ay is furaan oo amaro Adag la dul dhigay

Friday, September 14, 20120 comments

Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ee ka taliya Qeybo kamid ah Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeeya waxa ay amaro Nuucooda horey looga arag Deegaanadaasi kusoo rogeen dadka ku dhaqan Deegaanada ay ka taliyaan Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna waxa ay ku amartay raga iyo Haweenka doonaya in ay is furaan kahor inta aysan is furin in ay yimaadaan Maxmakada Ahlu Sunna ee Deegaanada ay joogaan halkaasina ay isku furan lagana qoro magacyadooda iyo saxiixooda.


Arintaan Cusub ee Ahlu Sunna ku dhawaaqeen ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib markii ay bateen Raga iyo haweenka is furaya deegaanada ay ka taliyaan iyo furiinka kadib oo yimaada muran iyo is qab qabsi labada dhinac ah ee ka la tagay.


Waxaa sidoo kale soo batay Haweenka la furay oo iyaga oon cudadoodii dhameesan rag kale guursada taa oo iyana muran ka dhax dhalisay Ninkii furay Haweeneydaas iyo ninka kale ee guursada ,


AHlu Sunna ayaan go’aamisay si arimahaas dhan looga gudbo in Raga iyo Haweenka doonaya in ay isfuraan Maxkamada horteeda isku furaan lagana qoro waqtiga ay isfureen iyo magaca si haduu uu muran ka yimaado arintooda Maxkamada u kala daarto.


Waana amarkii ugu horeeyay ee Nuucaan ah ee ka hergala gudaha Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada ay ka taliyaan Ahlu Sunna oo mudooyinkan kusoo bateen furiinka deg deg ah iyo Guurka aan la ogeyn ee qudbo sirada ah.







Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog