Jaamac Maxamed Daahir Waa Nin Soomaaliyeed oo dhagaha la’, kana wacdiya masaajid Cape Town ku yaala

Saturday, November 24, 20120 comments


Jaamac maxamed Daahir waa muwaadhin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Cape Town, Jaamac wallow uu yahay nin Soomaaliyeed oo caadi ah haddane astaamo layaab leh oo uu kaga duwanyahay ayaa jira.

Jaamac marka koowaad rabbi weyne ayaa u gartay in uu tirro maqalka oo waa nin dhagaha la’ oo aan hadli karin, sidaasi oo ay tahay Jaamac waa daaci dadka u sheega waajibaadka diinta islaamka, waxa reeban iyo waxa la ogolyahay, wuxuu si weyn oga digaa cawaaqibka beenta, qayaanada iyo falalka xunxun.

Waxaa suurogal ah in aad la yaabantahay sida ay arrintani suurogal ku tahay, si aad u aaminto jiritaanka arrintani waxaad u baahantahay in aad shanta salaadood midkood kusoo tukato masaajidka Sunna ee Bellville, marka salaada laga baxo waxaad arkeysaa Sheekh Jaamac oo masaajidka ka istaagaya dadkana wacdinaya daqiiqado.

Uma baahnid in aad hadalkiisa maqasho, waxaa wacdi kaaga filan inshaarada ama meedaarta gacanta ee uu wax kuugu sheegayo, wuxuu ku darayaa shanqarta caadiga ah ee dadka dhagaha la’ ay sameeyaan ee loo yaqaano “baa, baa, baa”, taasoo runtii soo jiidata dareenka dadka.

Marka uu istaago dadka oo dhan dhankiisa ayay wada eegayaan iyagoo isku dayaya in ay fahmaan waxa uu sheegayo.

Dadka qaarkood ee masaajidka sida joogtada ugu tukata ayaa laga yaabaa in ay karaahsadaan daacigana dhagaha la’, laakiin waxay u baahanyihiin in ay fahmaan in Sheekh Jaamac uu gudanayo waajibaad diineed oo ah hadalkii nabiga ee ahaa “iga gaarsii umadeyda xittaa hal aayad”.

Sheekh jaamac illaahay wuxuu ku manaystey naxariista ah in 5ta salaadood uu jameecada masaajidka ku tukaddo, sida ay sheegayaan dadka yaqaana Sheekha, waligiis sidani ayuu masaajidada oga istaagi jirrey.

Qofka illaahay garansiinayo xaqqa waxaa ku filan in uu ku cimri qaato Sheekh Jaamac oo isaga oo dhagaha la’ misane wax kasta u samaynaya in uu fariinta eebe gutto, waajibaadka saarana kasoo baxo, halka kuwa lixdooda lixaad qabba aad arkeyso iyagoo iskaba dhaaf in ay diinta faafiyaana aanan iska rideynin waajibkii salaada oo darbiyada ku kaleetinaya.












Xafiiska Newbanaadir 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog