Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey Kulan Xasaasi Ah Oo Uu Maanta La Qaatay Dablamaasiyiin Ka Socda Wadamada Deeqaha Bixiya

Wednesday, January 23, 20130 comments


Muqdisho(Newbanaadir.com) Shir xasaasi oo saxaafada ay dibad joog ka ahayd una dhexeeyey madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo dablamaasiyiin ka socda wadamada deeq bixiyaasha oo ka soconayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa goor dhow lasoo gabagabeeyey waxaana shir jaraa’id saxaafada u qabtay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka warbixiyey waxyaabihii kulanka maanta looga wada hadlay Madaxweynaha  ayaa sheegay in shirkii maanta diirada lagu saaray sidii wadamada deeq  bixiyaasha ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray  in la isku afgartay waxyaabihii la iskula soo qaaday kulankii maanta oo ay kamid ahayd sidii loo maareyn lahaa dhaqaalaha ay bixiyaan deeqbixiyaasha iyo sidii loo hubin lahaa in lacagahaas ay maraan meelihii loogu tala galay  isagoona sheegay in dowlada Soomaaliya ay xiligan u baahantahay gacan siinta wadamada beesha caalamka, waxaana kaloo kamid ah waxyaabihii kulanka maanta looga wada hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada amaanka iyo dib u dhiska dalka.
Kulanka maanta oo ay ka qeybgaleen  dablamaasiyiin ka socda wadamada America,UK , Italy ,Rorway iyo Sweden kuwaas  oo kamid ah wadamada hormuudka u ah deeqbixiyaasha caalamka ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iney ballan qaadeen iney laba jibaari doonaa taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale maanta ka wada qeybgalay saraakiisha dowlada Soomaaliya u qaabilsan maaliyada sida wasiirka maaliya,Madaxa Bangiga dhexe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha maaliyada Soomaaliya waxaana la sheegay in kulanka si weyn loogu falanqeeyey in lahubiyo lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dowlada Soomaaliya ineysan ka weecan halkii loogu tala galay.
Wadamada caalamka ayaa ku eedeyn jiray dowladihii kumeelgaarka ahaa ee dalka Soo maray in shaqsiyaad ka tirsan ay lunsadeen lacagihii loogu tala galay mashaariicda horumarinta dalka Soomaaliya waxaana muuqa in caalamku ay ku qanceen hab dhaqanka masuuliyadeed ee dowlada cusub ee Soomaaliya.








W/Q Abdihakim Awke Tarabi (Karoone)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog